Trump muxuu sameyn doonaa haddii looga guulaysto doorashooyinka dhici doona bisha Novembar?

Saturday June 13, 2020 - 09:22:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump muxuu sameyn doonaa haddii looga guulaysto doorashooyinka dhici doona bisha Novembar?

    Khilaafka dhanka siyaasadda ah ee kajira dalka Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya xiili dibad baxyo rabshado wata ay wadankaas hareeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka dhanka siyaasadda ah ee kajira dalka Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya xiili dibad baxyo rabshado wata ay wadankaas hareeyeen.


Xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ayaa sare uqaaday ololahooda doorasho oo ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka guud ee dhici doona bisha November ee soo socota.

Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay guuldarro kasoo gaari karta doorashada soo socota, Trump oo wareysi siinayay Telefeshinka Foxe News ayaa sheegay in haddii doorashada looga guuleysto uu wax layaab leh sameyn doono.

"Haddii Nasiibku uusan iisiin waayo in aan madaxweyne sii ahaado waxbaan sameyn doonaa" ayuu yiri Trump balse ma caddeyn waxa uu sameyn doono waxa ay yihiin.


Joe Biden oo ah musharaxa xisbiga Dimuquraadiga ee Trump la loollami doona ayaa ka digay in Trump uu aqbali waayo natiijada kasoo baxda guddiga doorashada ee ku aaddan cidda ay guushu raacday.

Brack Obama iyo siyaasiyiin caan ka ah dalka Mareykanka ayaa horay usoo saaray digniino ku aaddan in xisbiga Trump uu markale khalkhal geliyo doorashooyinka soo socda sababa laxiriira ku lug lahaashiyaha Turkiga doorashooyinkii dhacay sanaddii 2016 ee murunka badan dhaliyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items