Weerar lagu dilay askar katirsan maamulka 'Jubbaland' oo ka dhacay Jubbada Hoose.

Saturday June 13, 2020 - 09:43:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 9 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu dilay askar katirsan maamulka 'Jubbaland' oo ka dhacay Jubbada Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.


Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaan ku dhow magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarka lagu dilay ugu yaraan Afar askari oo katirsanaa ciidamada maamulka isku magacaabay Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada weerarka qaaday ay qori dabajeex ah kasoo furteen maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ee ladilay.


Gobolka Jubbada hoose wuxuu kamid yahay meelaha ay ka socdaan loollanada ugu adag ee dalka Soomaaliya, bishan gudaheeda waxaa gobolkan ka dhacay dagaallo culus oo udhaxeeyay cadow jinsiyo kala duwan leh iyo jihaadiyiinta Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items