Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in uu heshiinayo Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Saturday June 13, 2020 - 19:27:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in uu heshiinayo Farmaajo iyo Muuse Biixi.

    Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in ay wadahadal dib uheshiisiin ah dhax dhigayaan Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Muuse Biixi oo ah hoggaamiyaha maamulka 'Somaliland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in ay wadahadal dib uheshiisiin ah dhax dhigayaan Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Muuse Biixi oo ah hoggaamiyaha maamulka 'Somaliland'.


Ismaaciil Cumar Gelle ayaa magaalada caasimadda ah ee Jabuuti ka sheegay in ay wadahadal fool ka fool ah isugu keenayaan Farmaajo iyo Muuse Biixi islamarkaana ay gogol xaar unoqon doonaan is faham gaar ah oo labadaas dhinac dhaxmara.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Jabuuti uu gaaray Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya oo la sheegay in uu yahay ninka soo hindisay isku keenidda Muuse Biixi iyo Farmaajo.

Itoobiya oo labada maamul ee Somaliland iyo Dowladda Federaalka si dadban usiisa awaamirta ay ku shaqeeyaan ayaa doonaysa in ay xadayso khilaafka udhaxeeya dhinacyada.


bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ayuu R/wasaaraha Itoobiya bilaabay in uu wadahadal ka dhax furo Farmaajo iyo Muuse Biixi, bilihii lasooa dhaafay ayay Addis Ababa iyo Asmara wadeen suuq geyn ay usameynayaan wax ay ugu yeereen midaynta dalalka dhaca bariga Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items