Weeraro lagu qaaday saldhigyo Melleteri oo kuyaal Kulbiyoow iyo Sabiid.

Sunday June 14, 2020 - 07:25:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu qaaday saldhigyo Melleteri oo kuyaal Kulbiyoow iyo Sabiid.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in markale weerar lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada gummeysiga dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in markale weerar lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada gummeysiga dowladda Kenya.


Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weeraro dhowr jiho ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee dhaca xuduud beenaadka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saldhigyada ciidamda Kenya lagu weeraray garneyllo kadibna waxaa xigay iska hor'imaadyo fool ka fool ah oo dhaxmaray ciidamadii saldhigyada waardiyaha ka ahaa iyo dagaalyahanada weerarka qaaday ee Al Shabaab.

Dhinaca kale iska hor'imaadyo xooggan ayaa xalay fiidkii ka dhacay saldhig ay maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Danab ay ka sameysteen deegaanka Sabiid gobolka Sh/hoose.


Dad ku sugan Sabiid ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo ay labada dhinac isdhaafsanayeen, tuulada Sabiid oo kaabiga ku haysa Afgooye waxaa ku sugan maleeshiyaad ciidanka Mareykanka ay ku tababareen garoonka Balidoogle balse waxay weeraro isdaba joog ah kala kulmayaan dagaalyahadanada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items