Warbixin: Qowmiyado Itoobiyaan ah oo lagu deegaamaynayo dhulka Soomaaligalbeed!

Sunday June 14, 2020 - 07:55:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Qowmiyado Itoobiyaan ah oo lagu deegaamaynayo dhulka Soomaaligalbeed!

    Dhulka gummeysiga Itoobiya ku jira ee Soomaaligalbeed waxaa ka socda deegaamaysi si xowlli ah ku socda oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ee dhulkoodi laboobay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhulka gummeysiga Itoobiya ku jira ee Soomaaligalbeed waxaa ka socda deegaamaysi si xowlli ah ku socda oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ee dhulkoodi laboobay.


Qowmiyado Xabashi Itoobiyaan ah ayaa boob aan horay loo arag ku haya dhulka Somaligalbeed, magaalooyin iyo degmooyin ayaa ladajiyay dad asalkoodu Itoobiyaan yahay iyadoona barakicin lagu hayo shacabka soomaalida ee dhulkaas lahaa.

Deegaamaysigan sharci darrada ah oo u eg midka Yahuuddu ka samaynayso Falasdiin wuxuu sare usii kacaya tan iyo markii uu Abiy Axmed lawareegay talada wadanka Itoobiya.

Meelaha ugu daran ee deegaamaysiyadan ay ka socdaan waxaa kamid ah magaalooyinka Jigjiga iyo Qabridaharre, Kaniisado ay leeyihiin Amxaaro iyo Tigree ayaa laga dhisay magaalooyin badan oo Somaligalbeed katirsan sidoo kale maleeshiyaad Oromo ah ayaa iskusii fidinaya gobollo katirsan Somaligalbeed


Related Items