Dhageyso: Ciidamo ka goostay maamulka Axmed Madoobe oo iska dhiibay degmada Jilib.

Sunday June 14, 2020 - 07:52:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Ciidamo ka goostay maamulka Axmed Madoobe oo iska dhiibay degmada Jilib.

    Firxadka ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa laga dareemayaa deegaanno katirsan Jubbooyinka oo ay ka jiraan maamullo islaami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore askar iska dhiibay Jubbada dhexe
Firxadka ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa laga dareemayaa deegaanno katirsan Jubbooyinka oo ay ka jiraan maamullo islaami ah.


Bil walba tobaneeyo askari ayaa iska dhiibay Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose kuwaas oo kasoo baxsanaya sufuufta ciidamada huwanta ah ee saldhigyada ku leh Kismaayo iyo duleedkeeda.

Degmada Jilib waxaa shalay lagusoo bandhigay laba askari oo muddo sanada ah ushaqeynayay maamulka Axmed Madoobe, ciidamadan ayaa lasoo goostay hubkii ay wateen waana loo lacageeyay sida ay warbaahinta u sheegeen.

Xasan Cabdi Ibraahim oo kamid ahaa guutada 43aad ee ciidamada dowladda qeybta maamulka 'Jubbaland' iyo Deeq Xasan Cabdi oo kamid ahaa saraakiisha Nabad sugidda maamulka Kismaayo ayaa lagusoo bandhigay maxkamadda degmada Jilib waxayna sheegeen in ay ka towbadkeeneen falalkii ay ku jireen.


Dhammaan maamullada islaamiga ah ee ka jira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa si diirran usoo dhoweeya ciidamada towbadkeenayaasha ah waxayna hubkooda ugu bedelaan lacag taas oo keentay in kuwa badan oo shisheeyaha ka hoos shaqeynayay ay ku dhiiradaan goosasho.

Halkan ka dhageyso wareysi ay bixiyeen askarta isdhiibtay MP3

Related Items