Al Shabaab oo Weerar askar lagu dilay ka fuliyay gobolka Mandheera.

Sunday June 14, 2020 - 16:23:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar askar lagu dilay ka fuliyay gobolka Mandheera.

    Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD waxay sheegayaan in xoogag katirsan Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla tuulo hoos timaada gobolkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD waxay sheegayaan in xoogag katirsan Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla tuulo hoos timaada gobolkaas.


Abaaro xalay saqdii dhexe  waxaa weerar lagu ekeeyay saldhigga oo ku yaalla tuulada Waranqara oo hoos tagta degmada Lafey ee gobolka Mandheera, ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarku ahaa mid xooggan oo muddo daqiiqado ah socday.

Dagaalka oo ku billowday hub culus iyo mid fudud ayaa sababay khasaare kala duwan inkastoo ciidanka  Kenya  aaney muddo badan dagaalamin taa badalkeedana ay goobta isaga carareen iyadoona dagaalyahannada Al Shabaab ay la wareegeen goobtii lagu dagaallamay.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Shabaab ay weerarka ku dileen illaa sedax askari Kenyaan ah oo meydadkooda lagu arkay isla deegaanka Waranqara, wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga weerarka geystay ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay gobolka Mandheera ay ku dhaawacmeen illaa 7 askari oo kamid ah ciidamada Booliska dowladda Kenya, warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay in xalay uu dhacay weerar ballaaran.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items