Xabaal Wadareedyo Boqolaal qof ku aasanyihiin oo laga helay wadanka Liibiya.

Sunday June 14, 2020 - 16:09:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabaal Wadareedyo Boqolaal qof ku aasanyihiin oo laga helay wadanka Liibiya.

    Wararka ka imaanaya Liibiya waxay sheegayaan in xabaal wadareedyo boqolaal qof ku aasanyihiin laga helay mid kamida xarumihii ugu waaweynaa ee xaftar uu ku lahaa galbeedka liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Liibiya waxay sheegayaan in xabaal wadareedyo boqolaal qof ku aasanyihiin laga helay mid kamida xarumihii ugu waaweynaa ee xaftar uu ku lahaa galbeedka liibiya.
Magaalada Tarhuuna oo qiyaastii 90Km ujirta magaalada caasimadda ah ee Daraabulis wax ka badan 2 sano waxaa gacanta ku hayay xaftar iyo maleeshiyaadkiisa magaaladan ayay ka geysteen xasuuq iyo gabood fallo dhan walba ah.

Gudaha iyo hareeraha magaalada ayaa laga helay tobaneeyo xabaal wadareedyo ah oo lagu aasay dad si jamaaci ah loo xasuuqay kadibna dhulka lagu aasay si heybtooda aan loogarin.

wax qabuuro ah looma sameyn waxaa la sheegay in bohol weyn uu baldoostar qoday kadibna dhibanayaasha lagumaada lagu riday, wariyaal ayaa soo sheegay in qalfoofka meydadka dadka lalaayay lasoo faagay islamarkaana ay socdaan baaritaanno lagu ogaanaya haybtooda.

cod.

Magaaladan oo lagu sheego magaalada qabaa'illada Liibiya waxaa deggan inkaban 36 qabiil waxayna aheyd halka uga badan ee xaftar uu ka helo maleeshiyaadka sababa laxiriira qabiilada oo badankood garab iyo gaashaan u ahaa alqadaafigii halaagsamay iyo xaftar qudhiisa.

dadka laxasuuqay ayaa la sheegay in ay ahaayee taageerayaashii thowradii lagu maja xaabiyay daaqigii halaagsamay, dad fara kutiris ah oo ka badbaaday xasuuqa Tarhuuna ayaa sheegay in dadka lalaayay ay ahaayeen ehellad dagaalyahanadii kacdoon wadayaasha islamarkaana loo dilay diidmada ay didanyihiin nidaamka xaftar.

inkastoo aan wali la ogaan heybta dadka ku aasan xabaal wadareedyada hadane dadka ku dhaqan magaalada tarhuuna waxay sheegayaan in qaar kamid ah dadka qabriyada ku aasan ay ogaayeen iyagoo ku xiran xabsiyada xaftar.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale oo tarhuuna tagay waxay ka dardaar wariyeen xaaladda goobihii laga qabsaday xaftar oo badankood aga helay xabaal wadareedyo.

isbitaalka guud ee magaalada tarhuuno waxaa laga dhax helay meydadka 100 qof halka wali ay socdaan baadi goobka xabaal wadareedyo, dad badan ayaa layaabay meydadkan tirada badan ee tarhuuna laga helay.

Related Items