Faysal Cali Waraabe oo raja xumo ka muujiyay wadahadalka udhaxeeyo Farmaajo iyo Muuse Buuxi.

Sunday June 14, 2020 - 16:19:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe oo raja xumo ka muujiyay wadahadalka udhaxeeyo Farmaajo iyo Muuse Buuxi.

    Wadanka Jabuuti waxaa laysugu geeyay Farmaajo iyo Muuse Biixi oo kala hoggaamiyo laba maamul oo dabadhilifyo u ah Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Jabuuti waxaa laysugu geeyay Farmaajo iyo Muuse Biixi oo kala hoggaamiyo laba maamul oo dabadhilifyo u ah Xabashida Itoobiya.


R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shirkan garwadeen ka ah waxaana la sheegay in lagu heshiisiinayo dowladda Federaalka iyo maamulka isku magacaabay Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo ah hoggaamiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in marnaba aysan Somaliland wax la qeybsan doonin dowladda Federaalka isagoo wadahadallada Jabuuti ku sifeeyay kuwa jiha wareerin siyaasadeed ah.

"Waxa laga hadlayaa waa Midnimo, Somaliland Midnimo waa ka xaaraan, anaga Madaxweyne Muuse Biixi afkiisa ka maqalnay in Safiirka Mareykanka ninka la yiraahdo Yamamoto uu soo wacay uu yiri kulma oo wadahadala" ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.


Sanadadii lasooa dhaafay ayay Addis Ababa iyo Asmara wadeen suuq geyn ay usameynayaan wax ay ugu yeereen midaynta dalalka dhaca bariga Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items