Maamulka 'Somaliland' oo ku dhawaaqay in uu fashilmay shirkii Jabuuti ka dhacay.

Monday June 15, 2020 - 05:57:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Somaliland' oo ku dhawaaqay in uu fashilmay shirkii Jabuuti ka dhacay.

    Waxaa fashil iyo guuldarro kusoo idlaaday shir wadanka Jabuuti uga furmay maamullada 'Somaliland' iyo dowladda Federaalka oo labaduba dabadhilifyo u ah Itoobiya iyo reergalbeedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa fashil iyo guuldarro kusoo idlaaday shir wadanka Jabuuti uga furmay maamullada 'Somaliland' iyo dowladda Federaalka oo labaduba dabadhilifyo u ah Itoobiya iyo reergalbeedka.


Guddoomiyaha golaha Guurtida maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa magaalada Hargeysa uga dhawaaqay in uu fashilmay shirkii Jabuuti.

Saleebaan Gaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in wax natiija ah aysan kasoo bixin shirka kadib markii ay dowladda Federaalka diiday dhaqan gelinta mid kamida qodobadii horay loogu heshiiyay.


Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti oo ku saabsan natiijadii shirka kasoo baxday ayaa muujinayay in dowladaha kulanka qaban qaabiyay ay dowlad madax banaan u aqoonsadeen maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

Afhayeen u hadlay Farmaajo ayaa baraha bulshada ku sheegay in laba qodob ay ugu muhiimsanaayeen waxyaabihii lagu heshiiyay waxaana kamid ahaa in guddi farsamo ladhiso iyo in aan lasiyaasadayn arrimaha gargaarka.

Abiy Axmed R/wasaaraha Xabashida Itoobiya oo ku sugnaa madashii shirka ayaa larumaysanyahay in uu yahay ninka gadaal ka riixaya isku keenidda labadan maamul ee dowladdiisa u adeega.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items