Dowladda Masar oo furashadii Muslimiinta ee magaalada Istanbul ku tilmaamtay Gummeysi!

Monday June 15, 2020 - 06:39:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Masar oo furashadii Muslimiinta ee magaalada Istanbul ku tilmaamtay Gummeysi!

    Nidaamka dabadhilifka Masar ee uu madaxda ka yahay Cabdi Fataax Alsiisi ayaa sare uqaaday dagaalka uu kula jiro islaamka iyo ehelkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nidaamka dabadhilifka Masar ee uu madaxda ka yahay Cabdi Fataax Alsiisi ayaa sare uqaaday dagaalka uu kula jiro islaamka iyo ehelkiisa.



War rasmi ah oo kasoo baxay Daarta fataawaadka dowladda Masar ayaa lagu sheegay in furashadii muslimiinta ee magaalada Istanbuul ay aheyd gummeysi ixtilaal ah!.

Darta fatwad Masar oo umuuqatay in ay ka xuntahay futuuxaadkii muslimiinta ee magaalada Qusdandiiniyah ayaa isku dayday suurad xumeynta halyeeyadii dowladdii Cuthmaaniyiinta ee uu Alle ku sharfay in ay xaqiijiyaan bishaaradii Nabiga SCW ee aheyd furashada Qusdandiiniyah oo hadda loo yaqaan istanbuul.



Dowladda Alsiisi kuma ekaysan oo kaliya in ay xumayso futuuxaadka muslimiinta ee Istanbuul ee waxay muujisay sida ay udiidantahay in masjidka ayaasoofiya ee dalka Turkiga dib loogusoo celiyo masjidnimadiisa kaasi oo hadda ah matxaf kadib markii uu calmaanigii Kamaal Ataaturki uu bedelay.

"Ayaasoofiya waxay aheyd kaniisad ladhisay carsigii Bizandiiniyiinta sanaddii 537 miilaadiga muddo 916 sanadood ah ayay kaniisad aheyd illlaa cusmaaniyiintu gumeysi ku qabsadeen sanaddii 1453 waxayna ubedeleen masjid" ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxay Daarta fataawaadka Masar oo aad uga xumeed tallaabadii ay muslimiintu ayaasoofiya uga dhigeen Masjid.

Tallaabada muftiga dowladda Masar uu furashadii Qusdandiiniyah ugu tilmaamay ixtilaal ayaa ka caraysiiyay muslimiinta waxaana jawaab celinno kala duwan ka bixiyay shacabka Masaarida kuwaas oo sheegay in ay tani qeyb ka tahay foolxumada nidaamka inqilaabiga ah ee wadankooda qabsaday.


"Muftiga Masar wuxuu leeyahay furashadii istanbuul waa ixtilaal xadiithna sharifka ahna wuxuu leeyahay latuftaxannal Qusdandiiniyah walanicmal amiiru amiiruhaa walnicmall jeyshu daalikal jeysh" sidaas waxaa ku jawaab celiyay Cabdi Caziiz Altuweyjiri wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay isagoo ka hadlayay ismariwaaga udhaxeeya Alsiis iyo Erdogaan "sida aad doontaan iskhu khilaafa balse haku been abuurana taariikhda".

Baraha Bulshadu kuwa xiriirto ee Internetka ayaa si aad ah layskula dhax qaaday warka kasoo baxay dowladda Masar iyadoona dhalinyarada muslimiinta ay si heer sare ah uga falceliyeen arrinkan.

Sidoo kale dadka arrinkan jawaab celinta ka bixiyay waxaa kamid ah Dr Cali Algardaaha wuxuuna yiri "in furashadii qusdandiiniyah lagu tilmaamo gummeysi cusmaani ah waa hoobasho iyo akhlaaq darro halis ah iyo fujuur dhanka xusuumta ah waana ceeb dhafoorka uga taal daarta fatwada Masar, furashadaas weyn ee nabigu sallamaahu calaysi wasalama ka yiri «لتفتحن القسطنطينية فلنعم الأمير أميرها ولنعم الجيش ذلك الجيش»''.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Riwaayadaan oo kale waxay daliil utahay sida loo siyaasadeeyay dhammaan mu'asasaadka diiniga ah ee Masar kuwaas oo u adeegaya nidaamka inqilaabiga ah".

Wadanka Masar waxaa maamulo Jeneraal Alsiisi oo ay isku dhowyihiin Yahuudda iyo Mareykanka wuxuu xusulduub ugu jiraa sidii loo calmaaniyay lahaa wadanka isagoo aad ula dagaallamay shacaa'irta Islaamka islamarkaan dil ku xukumay dadka katirsan dhammaan Ururada Islaamiga ah.

 


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items