Duuliyaha kaliya ee Afar diyaaradood kasoo riday Yahuudda oo geeriyooday.

Monday June 15, 2020 - 08:48:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duuliyaha kaliya ee Afar diyaaradood kasoo riday Yahuudda oo geeriyooday.

    Waxaa shalay magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangaladheesh ku geeriyooday mid kamida duuliyaashii dagaalka kuwoodi ugu caansanaa casrigan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cazaam ayaa ahaa duuliye taariikhda baal dahab ah ka galay
Waxaa shalay magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangaladheesh ku geeriyooday mid kamida duuliyaashii dagaalka kuwoodi ugu caansanaa casrigan.


Duuliye Seyfullaah Al-Acdam ayaa geeriyooday isagoo 80 sana jir ah, wuxuu ahaa duuliyaha kaliya caalamka ee Yahuudda mar qura kasoo riday 4 diyaaradood.

Sida ku cad taariikhdiisa wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu sarraysay ciidanka cirka dowladda Pakistan ka hor intii aan lakala qeybin dhulka qaarad u ekaha Hindiya 1947,

Sanaddii 1958-dii ayuu Seyfullaah ku biiray ciidanka cirka Pakistan isagoona sanaddii 1963-dii noqday sarkaal duuliye xirfad sare leh islamarkaana kasoo muuqday jabahaadka dagaalka.


Seyfullaah ayaa wacadaro ka dhigay dagaalkii u dhaxeeyay dowladaha Carabta iyo Yahuudda sanadkii 1967-dii, lixdii maalmood ee uu dagaalkaas socday ayuu ciidamada Yahuudda kasoo riday afar diyaaradood isagoona dilay ciidamadii saarnaa diyaaradahaas.

Cazaam oo ku magac dheeraa magaca Seyfullaah wuxuu lahaa khibrad fariid ah oo dhanka duulista ah waxaa la sheegaa in uu ahaa duuliyaha kaliya ee usoo shaqeeyay ciidamada cirka Afar dowladood kuwaas oo kala ah Pakistan,Urdun,Ciraaq iyo Banghaladeesh.

Sanadihii 1967 illaa 1973 ayay dowladda Pakistan 16 duuliye oo xirfad leh udirtay dowladaha Carabta oo xilligaas dagaal ba'an ay kula jireen waxa loogu yeero Israa'iil waxaana la sheegaa in Cazaam uu ahaa duuliyaha kaliya ee diyaarado dhulka kasoo dhigay Yahuudda.

Inta badan hoggaamiyaasha muqaawamada Filasdiin ayaa ka tacziyeeyay dhimashada Seyfullaah Al-acdam oo aan gudaha dalka Banghaladeesh wax taariikh ah ku laheyn sababa laxiriira dowladda wadankaas ka jirta oo siyaasad ahaan bah wadaag la ah Hindiya iyo Yahuudda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items