Askari lagu dilay duleedka Muqdisho iyo saldhigga AMISOM ee Balcad oo weerar lakulmay.

Monday June 15, 2020 - 09:10:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari lagu dilay duleedka Muqdisho iyo saldhigga AMISOM ee Balcad oo weerar lakulmay.

    Wararka ka imaanaya duleedyada galbeed iyo waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedyada galbeed iyo waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.


Xalay fiidkii ayay xoogag hubaysan askari katirsan ciidamada dowladda ku dileen deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ragga weerarka geystay ay askariga ka furteen qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa markale lagu qaaday saldhigga ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin degmada Balcad ee Sh/dhexe.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo ka dhashay madaafiicda ku hoobatay gudaha saldhigga ciidamada Burundi ee degmada Balcad.

Sidoo kale dhowr qarax ayaa ciidamada Uganda saaka aroortii hore lagula beegsaday wadada xiriirisa deegaannada Golweyn iyo Buula Mareer ee Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items