10 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay Weeraro lagula beegsaday deegaanka Qansax Oomane.

Monday June 15, 2020 - 17:09:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay Weeraro lagula beegsaday deegaanka Qansax Oomane.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weeraro xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Baay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weeraro xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Baay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanno hoos yimaad degmada Bardaale ayaa sheegaya in markale kolonyo katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya lagu qaaday weeraro khasaara badan dhaliyay.

Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan dhaq dhaqaaqa Jihaadiga Al Shabaab ayaa weeraro dhabbagal ah labeegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo ka amba baxay Baydhabo kuna sii jeeday dhanka Dooloow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 7 qarax lagu beegsaday habqanka ciidanka Itoobiya markii ay marayeen tuulada Qansax Oomane oo udhaxaysa Yurkud iyo Bardaale.


Wariye ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in weerar kale oo jidgal ah uu Itoobiyaanka ku qabsaday deegaan lagu magacaabo Kurtaale oo ku dhow Yurkud waxaana weerarkaas ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ugu yaraan 10 askari Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay qaraxyadii iyo weeraradii dhabbagalka ahaa ee lagula beegsaday Qansax Oomane iyo Kurtaale.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee banaan yaalka u ah weerarada Al Shabaab ayaa todobo maalin ka hor ka amba baxay degmada Baydhabo waxayna kusii jeedaan dhanka dalkooda, ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamadan ay yihiin kuwii bishii April ee lasoo dhaafay kasoo gudbay xuduud beenaadka waxayna gaadiid iyo sahay geeyeen Qansaxdheere iyo Baydhabo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items