Ciidamo la sheegay in Farmaajo u adeegsan doono xil kororsi oo Muqdisho gaaray.

Tuesday June 16, 2020 - 06:29:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo la sheegay in Farmaajo u adeegsan doono xil kororsi oo Muqdisho gaaray.

    Xukuumadda Kheyre ayaa bilaawday in ay si qarsoodi ah magaalada Muqdisho ugusoo daad gurayso maleeshiyaad bilo ka hor tababar loogu qaaday dalka Eritrea ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Kheyre ayaa bilaawday in ay si qarsoodi ah magaalada Muqdisho ugusoo daad gurayso maleeshiyaad bilo ka hor tababar loogu qaaday dalka Eritrea ee dhaca bariga qaaradda Afrika.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaarado xamuul ah ay xilli habeenimo ah si qarsoodi ah kusoo caga dhigteen garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho waxayna dajiyeen maleeshiyaad laga keenay dhanka magaalada Asmara.

Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasay Lix boqol oo askari ayaa horraantii sanadkan Muqdisho laga qaaday, waalidiinta dhalinyaradan ayaa sheegay in markii laga dhoofinayay garoonka loo sheegay in deeq waxbarasho ay heleen ayna dowladdu dibadda uqaadayso balse bilo kadib ay ogaadeen in wiilashooda laciidameeyay.


Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaad kale tababar loogu qaaday dalka Eritrea, falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in ciidamadan Farmaajo iyo Kheyre ay tababarada udireen ay u adeegsan doonaan danahooda gaarka ah ayna doonayaan in ay ku wajahaan mucaaradkooda siyaasadeed marka ay waqti kororsiga ku dhawaaqaan dabayaaqadan sanadkan.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa si weyn utaageersan siyaasadda Farmaajo ee dabadhilifnimada ku dhisan waxayna gadaal ka riixayaan mashruuc ay ugu magac dareen midaynta bariga Afrika kaasi oo ujeedkiisu yahay in Soomaaliya lagu daro Itoobiya si loo waayo soomaali midaysan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items