Dagaal Ooge Liibiyaan ah oo magaalada Misraatah lameel dhigay Kacbada!

Tuesday June 16, 2020 - 06:46:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Ooge Liibiyaan ah oo magaalada Misraatah lameel dhigay Kacbada!

    Hoggaamiye katirsan maleeshiyaadka dagaal Ooge Khaliifa Xaftar ayaa sheegay in dagaalka ay uga jiraan wadanka Liibiya uu yahay mid caqiiqdo ah ayna difaacayaan wax uu ugu yeeray dhul barakaysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxmuud Alwarfalli waa dagaal Ooge calmaani Liibiyaan ah
Hoggaamiye katirsan maleeshiyaadka dagaal Ooge Khaliifa Xaftar ayaa sheegay in dagaalka ay uga jiraan wadanka Liibiya uu yahay mid caqiiqdo ah ayna difaacayaan wax uu ugu yeeray dhul barakaysan.


Dagaal ooge Maxmuud Alwarfalli oo ah taliyaha ciidamada Kumaandooska Xaftar ayaa kasoo muuqday Video lagu baahiyay baraha bulshada isagoo ciidamadiisa u sheegaya in weerarka ay ku hayaan magaalada Misraatah uu lamid yahay mid ay ku difaacayaan Kacbada.

Ninkan gaaloobay ayaa Misraatah lameel dhigay Kacbada wuxuuna dagaalyahanadiisa ku guubaabinayay in ay magaaladan ubooqdaan Kacbada oo kale.

Baraha bulshadu kuwa xiriirto ayaa si aad ah layskula dhax qaaday hadalka dagaal Ooge Alwarfalli oo ah calmaani horay xasuuq uga geystay magaalada Banghazi ee dhacda bariga Liibiya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items