Mas'uul katirsanaa Waaxda Canshuuraha dowladda oo Muqdisho lagu dilay.

Tuesday June 16, 2020 - 06:57:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa Waaxda Canshuuraha dowladda oo Muqdisho lagu dilay.

    Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda weerarada lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore sarkaal Muqdisho lagu dilay
Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda weerarada lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya.


72-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa degmooyin katirsan gobolka Banaadir ka dhacay dilal si xowlli ah ku socda oo lala beegsanayay askar iyo saraakiil katirsan laamaha kala duwan ee dowladda.

Xalay fiidkii ayay xoogag hubaysan oo katirsan Al Shabaab weerar ka geysteen xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan.

Weerarkan ayaa lagu dilay sarkaal katirsan wasaaradda maaliyadda Dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta Canshuuraha kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdullaahi Bariise.


Xoogagii weerarka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay sida ay sheegeen dadka deegaanka, saacadihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii saraakiil lagu dilay degmooyinka Dharkeynleey iyo Wardhiigleey.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items