Weerar 24 Askari lagu dilay oo ka dhacay Xuduudda Maali iyo Muritaaniya.

Tuesday June 16, 2020 - 08:04:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 24 Askari lagu dilay oo ka dhacay Xuduudda Maali iyo Muritaaniya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Maali ayaa lagu xaqiijiyay in markale ciidamadoodu guuldarro dhabarka loo saariyay kadib weerar gaadma ah oo lagu qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Maali ayaa lagu xaqiijiyay in markale ciidamadoodu guuldarro dhabarka loo saariyay kadib weerar gaadma ah oo lagu qaaday.


Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa sheegaya in ku dhowaad 24 askari lagu dilay weerar dhabbagal ah oo ka dhacay xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Maali iyo Muritaaniya.

Ugu yaraan 24 askari oo katirsan melleteriga Maali ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka oo ahaa mid dhabbagal ah laguna beegsaday kolonyo ciidama ah xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Diabaly ee xuduud beenaadka ku dhow.


Ilo wareedyo melleteri ayaa sheegay in xoogag aad u hubaysan ay wadada ugaleen kolonyo Melleteri ayna burburiyeen illaa 4 gaari oo nuuca dagaalka ah, Korneel Diyaaraan Kooni oo u hadlay melleteriga xukuumadda Maali ayaa xaqiijiyay khasaaraha ciidamadooda gaaray.

"24 askari ayaa lagu dilay weerarka sideed kamid ah askarta iyagoo nool ayaan soo helnay" waxaas sidaas usheegay wakaaladda wararka Reuters Afhayeenka melleteriga Maali.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kolonyada laweeraray oo ka koobneed 12 gaari lagu dhabar jebiyay duleedka deegaanka Diabaly ee dhaca bartamaha dalka Maali.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca wadanka Maali tan iyo bishii Novembar 2019 xilligaas oo uu dhacay hujuum lagu dilay ugu yaraan 53 askari Maaliyaan ah.

Jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin ee taabacsan Al Qaacidda ayaa horay sidaan oo kale weerar askar badan loogu laayay uga fulisay xuduud beenaadka ay wadaagaan Muritaaniya iyo Maali.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items