Xoogag Jihaadi ah oo weeraray saldhigga ciidanka Jabuuti ee magaalada Beled Weyne.

Tuesday June 16, 2020 - 12:03:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo weeraray saldhigga ciidanka Jabuuti ee magaalada Beled Weyne.

    Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay ciidamada shisheeyaha AMISOM uga sugnaayeen magaalada Beled Weyne ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay ciidamada shisheeyaha AMISOM uga sugnaayeen magaalada Beled Weyne ee bartamaha Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay xoogaga Al Shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen saldhigga ugu weyn ee ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Beled Weyne tiro madaafiic ah ayaa ku hoobtay gudaha saldhigga ciidamada Jabuuti, dhawaqa qaraxyo dhowr ah oo ka dhashay madaafiicda ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Beled Weyne.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Jabuuti ay weerarka madaafiicda ah uga jawaabeen madaafiic kale oo ay urideen dhanka dhulka baadiyaha ah ee Beled Weyne ku hareeraysan.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada AMISOM kasoo gaaray weerarkii xalay ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan balse saaka markii uu waagu baryay ayay ciidamada Jabuuti howlgallo raaf ah ka sameeyeen Galbeedka iyo Bariga magaalada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items