Askari Nin ganacsade ah Muqdisho ugu dilay Sigaar aawgiis!

Tuesday June 16, 2020 - 13:11:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Nin ganacsade ah Muqdisho ugu dilay Sigaar aawgiis!

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta qof shacab ah loogu geystay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta qof shacab ah loogu geystay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.


Askari katisanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka ayaa isgoyska Ceelgaabta magaalada Muqdisho ku dilay nin ganacsade ah oo miis yar uu uyiillay wadada laamiga ah hareeraheeda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askariga dilka geystay oo ilaala u ahaa guddoomiyaha degmada Shangaani uu isku dayay in uu xabad sigaar ah xoog uga qaato miiska kadibna ninkii ganacsadaha ahaa ayaa kula dhegay waxaana meesha ka dhacay murun labada nin dhax maray.


Daqiiqado kadib askariga ayaa madaxa ka toogtay ninka ganacsade ah oo sidaas ku dhintay, falkan naxdinta leh waxaa ka carooday dadkii shacabka ahaa ee wadada marayay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday balse markii dambe ayay gacanta kusoo dhigeen ciidamo boolis ah, dhacdadan oo nuuceeda oo kale uu ku badanyahay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa muujinaysa sida ciidanka DF-ka ay ugu fududahay daadinta dhiigga shacabka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items