20 katirsan Melleteriga Hindiya oo lagu lagu dilay dagaal ka dhacay xuduudda Shiinaha.

Wednesday June 17, 2020 - 11:06:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20 katirsan Melleteriga Hindiya oo lagu lagu dilay dagaal ka dhacay xuduudda Shiinaha.

    Labaatameeyo askari Hindiyiin ah ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib dagaal culus oo ka qarxay xuduudda uu shiinuhu lawadaago wadanka Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labaatameeyo askari Hindiyiin ah ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib dagaal culus oo ka qarxay xuduudda uu shiinuhu lawadaago wadanka Hindiya.


War rasmi ah oo kasoo baxay melleteriga dowladda Hindiya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 20 askari looga dilay iska hor'imaad ay ciidamadoodu lagaleen kuwa dowladda shuuciyadda shiinaha.

dagaalka oo muddo saacada ah qaatay ayaa labada dhinac ku dhaxmaray buuralayda Himilaaya ee murunka badan ka taaganayahay, afhayeen u hadlay melleteriga Hindiya ayaa usheegay warbaahinta in 20-ka askari ee dhintay uu soo gaaray dhaawac culus kadibna ay isbitaallada ku dhinteen.


Hindiya ayaa ku eedaysay shiinaha in uu weerar gardarro iyo daandaansi ah kusoo qaaday ciidamadooda xuduudda ilaalada ka haya, wasaaradda arrimaha dibadda shiinaha ayaa iyana warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in meleteriga Hindiya uu ku xadgudbay xuduudda kadibna ay ciidamadoodu jawaab kooban ka bixiyeen.

Wariyaasha ayaa soo sheegaya in dagaalkii shalay uu ahaa midkii ugu cuslaa ee labadan dowladood dhaxmara muddo ku siman 45 sanadood kadib, labadan dowladood ayuu dagaal culus dhaxmaray sanaddii 1962-dii xilligaas oo melleteriga shiinaha Hindiya ka qabsaday dhul aad u ballaaran oo hadda lagu murunsanyahay.

Hindiya iyo Shiinaha oo ah laba dowladood oo ku hubaysan hubka wax baabi'iya ee Niyugleerka waxay wadaagaan xuduudda ugu dheer caalamka ee aan calaamadaysneyn taas oo masaafadeedu tahay 3,500 Km.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items