Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah oo ka dhacay Leego.

Wednesday June 17, 2020 - 11:19:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 8
  • Share via Social Media

    Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah oo ka dhacay Leego.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamo huwan ah kasoo gaaray weeraro cusub oo lagula beegsaday Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo USA ah oo ku sugan duleedka Muqdisho
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamo huwan ah kasoo gaaray weeraro cusub oo lagula beegsaday Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka dhaceen weeraro ay qaraxyo barbar socdeen waxaana lagu beegsaday ciidamo Ajanabi ah iyo kuwa katirsan DF-ka.

Maanta barqadii ayaa dhowr qarax lala helay gaadiid ay la socdeen ciidamo caddaan ah xilli ay isku dayayeen in ay gudaha ugalaan deegaanka Leego ee Sh/hoose katirsan.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar culus kala hortageen dhaq dhaqaaq ay ciidamada huwanta ah usameynayeen dhanka deegaanka Leego, gaari gaashaaman oo ay saarnaayeen ciidamo Mareykan ah ayaa la xaqiijiyay in miino ay lakacday waxaana jira khasaara soo gaaray askartii la socotay.

Daqiiqado kadib ayuu qarax kale haleelay gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Mareykanku carbiyay ee Bangaraafta loo yaqaan kuwaas oo Balidoogle lagu tababaray.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah iyagoo dhimasho iyo dhaawac wata ay dib ugu laabteen garoonka diyaaradaha Balidoogle.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items