Daawo Video: Dad Hargeysa ugu dhintay Cudurka Carona Virus oo Meydadkooda lagubay.

Wednesday June 17, 2020 - 19:59:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Dad Hargeysa ugu dhintay Cudurka Carona Virus oo Meydadkooda lagubay.

    Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dad ajaanib ah oo udhintay caabuqa Covid19 meydadkooda lagubay kadibna la aasay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dad ajaanib ah oo udhintay caabuqa Covid19 meydadkooda lagubay kadibna la aasay.


Shacabka ku dhaqan waqooyiga magaalada Hargeysa ayaa ka cabanaya meydad dad ajaanib ah oo xaafadooda lagu aasay, waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in dooxa biyaha laga cabay ee Hargeysa meydadka lagu aasay.

Warbaahinta oo booqatay goobta lagu aasay meydadka dadka gaalada ah ayaa soo sawirtay xabaal wadareed dad lagu aasay waxaana Video-ga lagu arkayaa raadadka dadka lagubay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamo katirsan booliska maamulka 'Somaliland' ay meydadka deegaanka ku gubeen kadibna ay aaseen, dadka deegaanka ayaa ka walaacsan in cudurro halis ah ka dilaacaan xaafadooda kadibna ay dhib badan geystaan.


Hoos ka daawo Muuqaal ku saabsan Meydadka lagubay


Related Items