Dowladda Kenya oo qarka usaaran in Jabuuti ay uga guulaysato Kursiga 'Golaha ammaanka'.

Thursday June 18, 2020 - 06:37:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo qarka usaaran in Jabuuti ay uga guulaysato Kursiga 'Golaha ammaanka'.

    Waxa loogu yeero Golaha ammaanka Q.Midoobay ayaa qaaday cod bixin lagu kala saarayo dowladaha Kenya iyo Jabuuti oo uu ka dhaxeeyay tartan ku aaddan ciddii ku fadhiisan laheyd kursiga xubinimada golaha ee qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Golaha ammaanka Q.Midoobay ayaa qaaday cod bixin lagu kala saarayo dowladaha Kenya iyo Jabuuti oo uu ka dhaxeeyay tartan ku aaddan ciddii ku fadhiisan laheyd kursiga xubinimada golaha ee qaaradda Afrika.


Cod bixin ka dhacday xarunta Q.Midoobay ayay dowladda Kenya ku heshay codad usahalaya in ay ka guulaysato dowladda Jabuuti oo hardan ugu jirtay sidii ay ugu fadhiisan laheyd xubinimada kursiga golaha ammaanka ee UN-ka.

Dowladda Kenya ayaa heshay 113 cod  halka Jabuuti ay heshay 78 cod, wareegga labaad ee cod bixinta ayaa dhici doonta maanta oo khamiis ah  waxaana loo badinayaa in Kenya ay ku fadhiisato kursiga xubnaha aan joogtada aheyn ee Q.Midoobay.


Kenya ayaa lafilayaa in kursiga ay kusii fadhido muddo laba sanadood ah waxayna awood uyeelan doontaa in ay ka qeyb gasho shirarka go'aamada looga gaarayo qadiyadaha dhanka amniga ah ee caalamka ka jira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items