Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay Bari,Hiiraan iyo dhulka NFD.

Thursday June 18, 2020 - 07:42:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay Bari,Hiiraan iyo dhulka NFD.

    Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro ka fuliyay gobollo dhaca Bartamaha iyo bariga dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro ka fuliyay gobollo dhaca Bartamaha iyo bariga dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland xilli ay ku socdaalayeen duleedka Boosaaso.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari dagaal uu ku burburay qarax ka dhacay inta udhaxaysa deegaannada Af Urur iyo Ceeldoofaar, ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland ayaa qaraxa lala helay balse illaa iyo hadda lama hayo tira koob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxa.


Dhinaca kale weerar hubaysan oo ka dhacay deegaanka Muuse Geel ee duleedka degmada Maxaas gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimashada askari katirsanaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Dagaalyahannada Al Shabaab ee weerarka qaaday ayaa qori AK47 ah iyo booshkiisa ka qaatay askariga ladilay.

Sidoo kale weerar loo adeegsaday madaafiic ayaa habeen hore lagu qaaday saldhigga ciidanka Melleteriga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceelraam ee degmada Ceelwaaq gobolka Mandheera dhulka NFD.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items