Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanaddii 2018 soo allifay wax ay ugu magac dareen isdhaxgalka dalalka geeska Afrika!
Magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara ayaa martigeliyay shirar lagu sheegay in looga arrinsanayo sidii loo midayn lahaa wadamada geeska qaaradda Afrika.
Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer booqashooyin isdaba joog ah ku tagay Itoobiya iyo Eritrea wuxuuna udurbaan tumayaa mashruucan uu Abiy Axmed gadaal ka riixayo.
Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea waligood sharraxaad dheeri ah kama bixin sida uu noqon doono isdhaxgalka lagu sameynayo shucuubta geeska Afrika!
Dr Xasan Sheekh oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa arrinkan sharraxaad ka bixiyay.
Isha Muuqaalka: Goobjoog TV
Maxaa loola jeedaa is dhaxagalka wadamada geeska Afrika?
Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanaddii 2018 soo allifay wax ay ugu magac dareen isdhaxgalka dalalka geeska Afrika!