Wasiir katirsan dowladda Itoobiya oo booqasho kedis ah ku yimid Muqdisho.

Thursday June 18, 2020 - 16:56:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Wasiir katirsan dowladda Itoobiya oo booqasho kedis ah ku yimid Muqdisho.

    Mid kamida wasiirada dowladda Xabashida Itoobiya ayaa maanta si lama filaan ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee ah caasimadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida wasiirada dowladda Xabashida Itoobiya ayaa maanta si lama filaan ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee ah caasimadda Soomaaliya.


Axmed Shidde oo ah wasiirka maaliyadda Itoobiya kana mid ah gacan yarayaasha Abiy Axmed ayaa Villa Somalia kulan gaar ah kula qaatay Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka.

Safiirka Itoobiya ee Muqdisho ayaa bartiisa Facebook-ga ku sheegay in kulanka labada dhinac dhaxmaray uu guul kusoo dhammaaday, wuxuu ku sheegay mid sare loogu qaadayo xiriirka labada dal sida uu hadalka udhigay.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalka wasiirkan Itoobiyaanka ah uu salka ku hayo arrimo laxiriira heshiiskii Afarta dekadood ee Farmaajo iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen bishii June ee sanaddii 2018.

Socdaalka Axmed Shidde ayaa boor isku qaris looga dhigay daawo diyaaradii uu lasocday dhinac lagasoo saaray waxayna Itoobiya sheegtay in ay deeq caafimaad oo looga gaashaamanayo Covid19  Muqdisho geysay.

Dowladda Itoobiya ayaa xusulduub ballaaran ugu jirta sidii ay ula wareegi laheyd Afar kamid ah dekadaha Soomaaliya waxaana umaalgelinaya dowladda Imaaraatka Carabta.

Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa horay usheegay in Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ay midoobi doonaan arrinkaas oo banaanka soo dhigaya sida DF-ka ay mugdi usii gelinayso masiirka shacabka soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items