Al Qaacidada Maqribul Islaami oo xaqiijisay istish-haadka Hoggaamiye Abuu Muscab Cabdul Waduud.

Friday June 19, 2020 - 10:28:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 3
  • Share via Social Media

    Al Qaacidada Maqribul Islaami oo xaqiijisay istish-haadka Hoggaamiye Abuu Muscab Cabdul Waduud.

    Kalimad maqal ah oo ay baahisay mu'asasada Al Andalus ee garabka warbaahineed ee Al Qaacidada Maqribul Islaami ayay ku xaqiijisay istish-haadka Sheekh Cabdi Maalik Droukdal oo caan ku ahaa magaca Abuu Muscab Cabdul Waduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kalimad maqal ah oo ay baahisay mu'asasada Al Andalus ee garabka warbaahineed ee Al Qaacidada Maqribul Islaami ayay ku xaqiijisay istish-haadka Sheekh Cabdi Maalik Droukdal oo caan ku ahaa magaca Abuu Muscab Cabdul Waduud.


Bayaan uu akhriyay Sheekh Cabdul Ilaah oo kamid ah mas'uuliyiinta Qaacidada Maqribul Islaam ayuu ku sheegay in Amiirkii hore ee Jamaacada uu ku shahiiday weerar dhagar ah oo Faransiisku uu horraantii bishan ka fuliyay waqooyiga Maali.

Al Qaacidada Maqribul islaami ayaa goodis ujeedisay Faransiiska dowladaha xulufada la ah ee ka dhisay Waqooyiga iyo galbeedka qaaradda Afrika.

3,June,2020 weerar qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamada isbahaysiga G5 iyo kuwa Faransiiska ayaa ka dhacay waqooyiga Maali waxaana weerarkaas lagu dilay Hoggaamiye Sheekh Abuu Muscab Cabdul Waduud iyo xubno kale sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga Faransiiska.


Bayaanka kasoo baxay Al Qaacidda laguma iclaamin amiirka cusub ee bedelaya Cabdul Waduud, sirdoonnada reergalbeedka ayaa sheega in Alqaacidada Maqrib ay tahay jihaadiyiinta ugu awoodda badan qaaradda Afrika waxayna ka dagaallamaan wadamo ay kamid yihiin Burkina Faso,Mali,Niger,Aljazaa'ir iyo Tuunis.

Sheekh Cabdi Maalik Droukdal ayaa sanaddii 2007 wuxuu hoggaanka uqabtay Al Qaacidada Maqribul Islaami waana isla sanadkii la aas aasay faraca ugu awood badan Jihaadiyiinta qaaradda Afrika.

Abuu Muscab Cabdul Waduud ayaa 13-kii sanadood ee uu hoggaanka uhayay jihaadka Mandiqadda Saaxilka iyo waqooyiga Afrika wuxuu ku guulaystay in uu hal saf ku mideeyo Ururadii islaamiga kuwaas oo ay dilootay kala qeybsanaan.

Warbixinno laga qoray kartidii sheekha ee ay daabacday warbaahinta Faransiiska ayay ku qireen in uu ahaa hoggaamiye awood u yeeshay in uu hal mar Faransiiska iyo Mareykanku ku dhiig bixiyo qaaradda Afrika.

Weeraro lagu laayay saraakiil American iyo Faransiiska ah ayuu Abuu Muscab Cabdul Waduud agaasimay, wuxuu ahaa halyeey hortaagnaa duullaanka Faransiisku uu ku qaaday wadanka Maali iyo wadamada kale ee dhaca galbeedka Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items