Rag Kufsi ka geystay degmada Galhareeri oo Maxkamad islaami ah ay xukun ku ridday.

Friday June 19, 2020 - 19:15:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag Kufsi ka geystay degmada Galhareeri oo Maxkamad islaami ah ay xukun ku ridday.

    Maxkamad islaami ah oo kutaal gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ridday xukun xaddu zina ah oo lagu fuliyay rag kufsi ugeystay gabar muslimad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore xukun tacsiir ah oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya
Maxkamad islaami ah oo kutaal gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ridday xukun xaddu zina ah oo lagu fuliyay rag kufsi ugeystay gabar muslimad ah.


Fagaare kuyaal magaalada Galhareeri waxaa isugusoo baxay boqolaal qof kuwaas oo daawanayay xukun kamida Xuduudda Alle kaas oo lagu fuliyay dhalinyaro xad gudub geystay.

Qaadiga Maxkamadda Islaamiga wilaayada Galguduud ayaa xukunka ka akhriyay goob fagaara ah, eedaysanaha lasoo dacweeyay oo lagu magacaabo Max'med Yuusuf Max'med iyo Cabdi Fataax Salaad Cabdi kuwaasi ayaa kufsaday gabar ku sugneed duleedka degmada Galhareeri

Ragga xukunka lagu fuliyay ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay in ay kufsadeen gabar iyagoo aan guur horay usoo marin sidaas daraadeed ayay Maxkamaddu ku xukuntay in mid walba lagu dhufto 100 Jeydal islamarkaana muddo sanada ah laga masaafuriyo deegaanka ay Zinada ku sameeyeen.


Sidoo kale maxkamadda ayaa wiilashada kufsiga geystay ku xukuntay in ay bixiyaan meherka gabadha lagu xadgudbay oo ah Maherul Mithli mid walba oo kamid ah ragga ayaa laga qaaday min 14 neef oo Ari ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items