Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga ciidanka Uganda ee Janaale.

Saturday June 20, 2020 - 10:01:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga ciidanka Uganda ee Janaale.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaaday askarta Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaaday askarta Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.



Weerar duqeymo ah oo loo adeegsaday hoobiyaal ayaa lagu garaacay saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee Jannaale, waxaana duqeyntu ahayd mid in muda ah socotay.

Waxaa isla xilligaas, ciidamada Mujaahidiinta ay weerar ku ekeeyeen labo saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya duulaankooda.

Ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in weeraradan ay dhaliyeen khasaare gaaray Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda Federaalka, inkastoo aan tiro rasmi ah la sheegin.



Jannaale tan iyo markii ay soo galeen ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka waxay si joogta ah u martigelineysaa weeraro culus oo ay ku qaadanayaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Isha qoraalka: Radio Alfurqaan

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items