Sarkaal katirsanaa taliska ciidanka dowladda oo Muqdisho lagu dilay.

Saturday June 20, 2020 - 10:36:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa taliska ciidanka dowladda oo Muqdisho lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.


Rag hubaysan ayaa degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa taliska ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogag hubaysan ay dileen Laba Xidigle Cali Raage Maxamuud oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada, wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalayanada Al Shabaab ee dilka geystay ay horay usii qaateen bastoolad uu watay sarkaalka.

Dhinaca kale xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee waqooyiga magaalada muqdisho ayaa lagu dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items