Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu dhiig bixiyay Gedo iyo Baay.

Saturday June 20, 2020 - 09:41:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu dhiig bixiyay Gedo iyo Baay.

    Habqanka ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku socdaalaya deegaanno katirsan gobollada Gedo iyo Baay ayaa wali lakulmaya weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo khasaara lagu gaarsiiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habqanka ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku socdaalaya deegaanno katirsan gobollada Gedo iyo Baay ayaa wali lakulmaya weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo khasaara lagu gaarsiiyay.


Wararka ka imaanaya xadka kala qeybiya gobollada Gedo iyo Baay ayaa sheegaya in 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ay ciidamada Itoobiya lakulmeen weeraro is xigxigay oo uga imaanayay dagaalyahannada Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shalay oo kaliya ay ciidamada Itoobiya lakulmeen dhowr qarax waxayna qaraxyadaas badankood ka dhaceen inta udhaxaysa Yurkud iyo Dooloow.


Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqlayeen jugta qaraxyo iyo rasaas xooggan oo lagu beegsanayay ciidamada Xabashida, ciidamadan oo isbuucii lasoo dhaafay kasoo amba baxay Baydhabo ayaa wali usii gurguuranaya dhanka xuduud beenaadka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shalay diyaarad nuuca qumaatiga ukaca ah ay kusoo degtay duleedka tuulada Yurkud waxayna halkaas ka qaadday meydad iyo dhaawacyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku halaagsamaya weeraradii dhacay maalmihii khamiista iyo jimcaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items