Masar iyo Itoobiya oo eedaymo kulul is dhaafsaday kadib fashilkii ku yimid wadahadalladii Webiga Niil.

Saturday June 20, 2020 - 11:26:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Masar iyo Itoobiya oo eedaymo kulul is dhaafsaday kadib fashilkii ku yimid wadahadalladii Webiga Niil.

    Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka udhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Masar ee ku aaddan biya xireenka laga dhisayo wabiga Niil oo ah midka ugu weyn caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka udhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Masar ee ku aaddan biya xireenka laga dhisayo wabiga Niil oo ah midka ugu weyn caalamka.


Warsaxaafadeedyo ay soo kala saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee labadan dowladood ayay ku shegeeen in ay burbureen wadahadalladii udhexeeyay guddiyada sedax geesoodka ah.

Dowladda Masar ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay ka madax adaygayso dhammaan qodobadii lagu heshiiyay islamarkaana ay doonayso in ay dhibaato gaarsiiso qeybta ay ku leedahay biyaha Niil.


Masar waxay jeedisay goodis dadban balse mar dambe ayay golaha ammaanka Q.Midoobay udirtay dhammbaal ah in wixii amni darra ah ee ka dhaca mandiqadda ay iyagu mas'uul ka yihiin iyadoo dalbatay in UN-ka uu faragelin ku sameeyay arrinta biya xireenka ay Itoobiya ka dhisayso halka uu kasoo burqado wabiga Niil.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay eedayn kulul ugu jeedisay Masar, Itoobiya waxay sheegtay in xukuumadda Al Qaahira ay ka badbadinayso halista ka imaan karta dhismaha biya xireenka Al Nahda.

Dowladda Itoobiya ayaa ku goodisay in marnaba aysan dowlado shisheeye kala tashan doonin dhameystirka biya xireenka ugu weyn qaaradda Afrika, Itoobiya waxay sheegaysaa in bisha soo socota ay bilaabi doonto ka shaqeysiinta qeybaha aas-aasiga ah ee Al Nahda iyo buuxinta waaskooyinka lagu keydiyo biyaha webiga.

Bishaan gudaheeda ayay dhaceen wadahadallo udhaxeeyay dowladaha Suudaan ,Masar iyo Itoobiya kuwaas oo lagu dooayay in xiisadda lagu qaboojiyo balse waxaa arrinta sii adkeeyay hadal uu Abiy Axmed ka hor jeediyay baarlamaanka dalkiisa isagoo caddeeyay in marnaba aysan Masar darteed ujoojin doonin dhismaha biya xireenka.

Khubarada arrimaha Afrika ayaa ka digaya in fashilka wadahadallada udhaxeeya labadan dowladood uu isku bedelo loollan Melleteri kaasi oo saameyn ku yeelan doono mandiqadda geeska qaaradda Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items