Uhuru Kenyatta oo xilka qaadis ku sameeyay Aadan Barre Ducaale.

Monday June 22, 2020 - 12:22:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta oo xilka qaadis ku sameeyay Aadan Barre Ducaale.

    Mid kamida siyaasiyiinta kasoo jeeda dhulka NFD ee gummeysiga kujira kana mid ah dabadhilifyada caanka ka ah mandiqadad ayaa laga qaaday xil muhiim ahaa oo uu ka hayay dowladad Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida siyaasiyiinta kasoo jeeda dhulka NFD ee gummeysiga kujira kana mid ah dabadhilifyada caanka ka ah mandiqadad ayaa laga qaaday xil muhiim ahaa oo uu ka hayay dowladad Kenya.


Wareegto kasoo baxday xafiiska Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in Aadan Barre Ducaale laga qaaday xilka guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka wadankaasi.

130 xildhibaan oo katirsan baarlamaanka Kenya ayaa saxiixay warqad xilka qaadis ah oo ay ka gudbiyeen Aadan Barre Ducaale kadibnna Kenyaatta oo ah guddoomiyaha xisbiga Jubilee ayaa ku dhawaaqay xilka qaadista Ducaale.

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa caan ku ahaa in uu taageero siiyo ciidamada KDF ee xasuuqa ka wada dalka Soomaaliya isagoona bilo ka hor soo jeediyay in labarakiciyo shacabka ku dhaqan deegaanka NFD ee ay ka dhacaan weerarada ka dhanka ah melleteriga iyo booliska Kenya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items