Al Shabaab oo Galgaduud ku dilay nin basaas u ahaa dowladda Federaalka.

Saturday June 20, 2020 - 19:29:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Galgaduud ku dilay nin basaas u ahaa dowladda Federaalka.

    Fagaare kuyaal degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud waxaa maanta gelinkii dambe ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay nin basaas u ahaa sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud waxaa maanta gelinkii dambe ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay nin basaas u ahaa sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.


Qaadiga Maxkamadda Islaamiga wilaayada Galguduud ayaa goob fagaare ah ka akhriyay eedaymo basaasnimo ku saabsan oo loo heystay Xasan Daahir Mire oo ahaa 23 sana jir.

Ninka ladilay ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu basaas u ahaa sirdoonka dowladda Federaalka ee PS-ta loo yaqaan, waxaa loo xilsaaray in uu xog ka keeno wilaayaadka Shabeelaha dhexe iyo Galguduud islamarkaana uu lacago dollar ah ku qaatay mashruucaas basaasnimada ah.


Eedaysane Xasan Daahir ayaa gacanta lagu dhigay isagoo aan fulin shaqadii loo xilsaaray wuxuuna maxkamadda ka hor qiray in uu soo shaqa geliyay sarkaal katirsan sirdoonka dowladda kaasi oo lagu magacaabo Xasan Baasto.

Ma ahan markii ugu horraysay ee Al Shabaab ay goob fagaare ah ku disho qof u shaqeynayay sirdoonnada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items