8 katirsan ciidamada dowladda oo ku dhintay weerar gaadma ah oo ka dhacay Sh/hoose.

Sunday June 21, 2020 - 10:31:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    8 katirsan ciidamada dowladda oo ku dhintay weerar gaadma ah oo ka dhacay Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro askar badan lagu dilay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro askar badan lagu dilay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Janaale ayaa sheegaya in weeraro dhabbagal ah oo dagaalyahanada Al Shabaab ay udhigeen maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaallo fool ka fool ah oo labada dhinac dhaxmaray ay ku dhinteen 8 askari oo dowladda katirsan halka 15 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamada dowladda ee Turkigu tababaray xilli ay isku dayayeen in ay dhaqa dhaqaaq ka sameeyaan meel ka baxsan janaale.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada dowladda Federaalka oo ku saabsan weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items