Weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay galbeedka London.

Sunday June 21, 2020 - 10:53:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay galbeedka London.

    Ugu yaraan sedax qof ayaa dhimatay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar Toorray loo adeegsaday uu ka dhacay magaalo kutaal wadanka Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan sedax qof ayaa dhimatay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar Toorray loo adeegsaday uu ka dhacay magaalo kutaal wadanka Ingiriiska.


Saraakiisha booliska UK ayaa sheegay in ruux ku hubaysnaa uu Toorreey ku weeraray dad caddaan ah xilli ay ku sugnaayeen degmada Reading oo dhanka galbeed uga beegan magaalada London.

Wargeyska Telegraph oo soo xiganaya taliyaha booliska degmada Reading ayaa sheegay in dhowr qof oo xaaladoodu ay aad uliidato loola cararay isbitaallada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo boolis ah oo gaaray goobta wax ka dhaceen ay gacanta ku dhigeen nin lagu tuhmayo in uu mas'uul ka ahaa weerarkan khasaaraha badan dhaliyay.


R/wasaaraha Ingiriiska oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay wixii dhacay islamarkaana ay latacaamulayaan weerar argagax leh sida uu hadalka udhigay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items