Alsiisi oo magaalooyin katisan Liibiya ku tilmaamay kuwa Khad cas u ah Amniga Masar!

Sunday June 21, 2020 - 12:13:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alsiisi oo magaalooyin katisan Liibiya ku tilmaamay kuwa Khad cas u ah Amniga Masar!

    Hoggaamiyaha melleteriga wadanka Masar ayaa markii ugu horraysay sheegay in magaalooyin katirsan wadanka Liibiya ay qeyb ka yihiin amniga qaranka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha melleteriga wadanka Masar ayaa markii ugu horraysay sheegay in magaalooyin katirsan wadanka Liibiya ay qeyb ka yihiin amniga qaranka Masar.


Cabdi Fataax Alsiisi oo booqasho ku tagay xuduud beenaadka ay Liibiya la wadaagto Masar ayaa sheegay in ciidamadiisu diyaar u yihiin difaacidda dalka Liibiya isagoo goodis u jeediyay xukuumadda Alwifaaq.

Alsiisi wuxuu sheegay in khad cas ay yihiin magaalooyinka Sirta iyo Al Jafrah oo ay ka dagaallamayaan maleeshiyaad daacad u ah Khaliifa Xaftar islamarkaana ay si adag u difaacayaan.

Hoggaamiyaha Masar oo aan soo hadal qaadin halista kusoo wajahan shacabkiisa ee uga imaanaysa dowladda Itoobiya ayaa ku dheeraaday ka hadalka wax uu ugu yeeray Argagaxiso halis ku ah amniga mandiqadda.


"Hadafkeenu waa xuduudda galbeed ee dalka waana in aan dedejinaa dib usoo celinta ammanigii iyo deganaantii Liibiya,Sirta iyo Aljafra waxay qeyb ka yihiin amniga qaranka Masar" sidaas waxaa yiri madaxweynaha Masar.

Hadalladan kasoo baxay Alsiisi ayaa imaanaya xilli dowladda Itoobiya ay ku goodisay in ay bilaabayso biya buuxinta waaskooyinka biya xireenka Al Nahda tallaabadaas oo halis ukeeni karta malaayiin qof masaari ah oo biyaha ay cabaan iyo kuwa ay beeraha ku waraabsadaan ay ka yimaadaan Webiga Niil.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items