Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar naf hurnimo oo ka dhacay saldhig kuyaal deegaanka Bacaad Weyn.

Sunday June 21, 2020 - 15:22:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar naf hurnimo oo ka dhacay saldhig kuyaal deegaanka Bacaad Weyn.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamada alshabaab oo weeraraya saldhigga KDF ee Ceelcadde
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar naf hurnimo ay ku beegsadeen saldhig ay maleeshiyaadka maamulka Galmudug ku lahaayeen deegaanka Bacaad weyn ee gobolka Mudug.

Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah ayaa lagu dhuftay saldhigga ciidanka ee Bacaad weyn waxaana weerarkaas ka dhashay khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed.

"Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saldhig ay maleeshiyaadka murtadiinta ay ka sameysteen deegaanka Bacaad weyn ee wilaayada Mudug, gaariga istish-haadiga ayaa beegsaday albaabka saldhigga laga waardiyeeyo waxaana halkaas ku dhintay 2 murtad gaari tiknika ahna waa ku gubtay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa ay si xun ugu dhaawacmeen 4 askari waxaana jira burbur iyo waxyeello gaartay gaadiid iyo sahay melleteri oo gudaha xerada yiillay.

Bacaad weyn waxaa ku sugan maleeshiyaad qaab ashahadda ladirirnimo loo tababaray kuwaas oo dhibaata ku hayay dumarka muslimaadka ah oo ay udiideen xirashada labiska sharciga ah.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee nuucaan ah oo Al Shabaab ay ka fuliso bariga gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaad weyn oo qiyaastii 60Km ujira degmada Hobyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items