Daawo Video: Trump oo Soomaaliya ku tilmaamay dal aan dowlad iyo ciidan laheyn!.

Monday June 22, 2020 - 08:23:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Trump oo Soomaaliya ku tilmaamay dal aan dowlad iyo ciidan laheyn!.

    Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump oo sabtidii lasoo dhaafay bilaabay ololihiisa doorashada ayaa fagaare weyn oo uu kula hadlayay kumanaan kamid ah taageerayaashiisa bahdil daran ugu geystay xukuumada Federaalka ee ka jirta Soomaaliya e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump oo sabtidii lasoo dhaafay bilaabay ololihiisa doorashada ayaa fagaare weyn oo uu kula hadlayay kumanaan kamid ah taageerayaashiisa bahdil daran ugu geystay xukuumada Federaalka ee ka jirta Soomaaliya ee Washigton kala shaqeysa la dagaalanka waxa loogu argigixisada, isagoo ku tilmaamay wax aan dowlad ahayn, ciidamo heysan, islamarkaana astaan u ah fowdo iyo amni xumo.


Khudbad uu sabtidii ka jeediyey magaalada Tulsa ee gobolka Oklohaama ayuu Trump taageerayaashiisa ugu sheegay in golaha Congresska ee Mareykanka ay kujiraan dad doonaya in Mareykanka laga dhigo sida Soomaaliya oo kale halkaas oo uu sheegay in aysan ka jirin wax dolwad ah ayna ragaadiyeen khalalaaso iyo amni xumo.

Hadalkan ayuu ku dhaliilayay haweeney asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo katirsan golaha Congresska ee Mareykanka taas oo u ololeyneysa sidii uu talada dalka Mareykanka 4ta sano ee soo socota ku hoggaamin lahaa  Joe Biden oo ah musharraxa la tartamaya Trump ee matalaya xizbiga Dimuquraadiga ah.


Isagoo aad u qeylinaya dhinacyadiisuna ka guuxayaan taageerayaashiisa ayuu Trump dadka Americanka ah uga digay in ay taageeraan xizbiga Dimuquraadiga isagoo tilmaamay in xizbigaas ay galaangal ku leedahay haweenay dooneysa in uu Mareykanku noqdo sida Soomaaliya oo kale.


Related Items