Qarax ka dhacay Garoonka Buula Burde iyo saldhigga ciidanka Itoobiya ee Halgan oo la weeraray.

Monday June 22, 2020 - 13:06:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qarax ka dhacay Garoonka Buula Burde iyo saldhigga ciidanka Itoobiya ee Halgan oo la weeraray.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weeraro lagu beegsaday ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari Uuraal ah oo Baay lagu gubay
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weeraro lagu beegsaday ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka.


Xoogaga Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weeraro toos ah iyo kuwa loo adeegsaday madaafiic ku qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ee deegaanka Halgan, dad ku sugan Hiiraan ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Dhinaca kale qarax ayaa ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday degmada Buula Burde ee bariga Hiiraan, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarada lagu beegsaday ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka dowladda.


Qaraxa ka dhacay garoonka Buula Burde ayaa sababay burbur lixaad leh waxaana la sheegay in qeyb ahaan uu burburay garoonka oo ah meesha kaliya ee sahaydu ugasoo degto ciidamada Jabuuti kadib markii ay dagaalyahanada Al Shabaab hareerayn raagtay kusoo rogeen magaaladan Istiraatiijiga ah.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items