Abiy Axmed oo sheegay in uu ciidamadiisa amar ku siiyay difaacidda Biya xireenka Webiga Niil.

Monday June 22, 2020 - 10:09:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Axmed oo sheegay in uu ciidamadiisa amar ku siiyay difaacidda Biya xireenka Webiga Niil.

    Dowladda Itoobiya ayaa markale ku dhawaaqday in ay udiyaar garoowday difaacashada biya xireenka weyn ee ay ka dhisayaso halka uu ka burqado Webiga Niil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa markale ku dhawaaqday in ay udiyaar garoowday difaacashada biya xireenka weyn ee ay ka dhisayaso halka uu ka burqado Webiga Niil.


Abiy Axmed ayaa kulan uu magaalada Addis Ababa kula yeeshay saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Itoobiya wuxuu ku amray in ay dajiyeen istiraatiijiyad cusub oo lagu difaacayo biyaha xireenka Al Nahda.

Qoraal sawirro wata oo uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in uu saraakiishsa ciidamada ku amray in ay difaacaan masaalixda istiraatiijiga ah ee wadanka.

Talaabadan uu qaaday R/wasaaraha Itoobiya ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Masar ay isku diyaarinayso weerar xagga cirka ah oo ay ku qaaddo halka laga dhisayo biya xireenka Al Nahda oo halis weyn ku ah ammaanka dhanka biyaha Masaarida.


Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowladda Masar in ay ka cararayso wadahadal xal looga gaarayo murunka udhaxeeya sedaxda dowladood ee isku murunsan qeybsiga biyaha wabiga Niil.

Guido Andargachio ayay wareysi uu siiyay Telefeshinka Al Jaziira ku sheegay in tallaabada ay Masar Q.Midoobay ugu gudbisay malafka arrimaha biya xireenka ay xaaladda sii xumeynayso.

Xukuumadda Addis Ababa waxay ku adkaysanaysaa in waaskooyinka biya xireenka ay buuxinayso bisha Julaay ee soo socota oo uu inta badan gobollada Itoobiya ka bilaabanayo xilli roobaadka.

Dowladda Masar ayaa aaminsan in haddii Itoobiya ay dhammaystirto biya xireenka ugu weyn qaaradda Afrika uu nuqsaan ku imaan doono qeybta ay ku leedahay biyaha wabiga Niil oo ah wabi biyihiisa ay ku tiirsantahay nolosha boqol Malyan oo Masaari ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items