Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu weeraray saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Tuesday June 23, 2020 - 10:55:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu weeraray saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

    Jugta qarax weyn ayaa maanta barqadii laga maqlay dhanka saldhigga Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax weyn ayaa maanta barqadii laga maqlay dhanka saldhigga Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.


Sida ay wararku sheegayaan  ruux naftiis hure ah ayaa isku qarxiyay ciidamo saraakiil loo tababarayay oo dowladda Turkigu doonayso in ay layli melleteri uga furto gudaha saldhigga.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha dhaliyay sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan.

Dowladda Turkiga ayaa saldhigga ugu weyn ee ay ku leedahay dibadda waxay sanado ka hor ka furatay magaalada Muqdisho halkaas oo sanad walba tababarro loogusoo xiro kumanaan katirsan ciidamada dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items