Xuuthiyiinta Yemen oo Sawaariikh ku weeraray Wasaaradda difaaca dowladda Sacuudiga.

Tuesday June 23, 2020 - 11:23:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuuthiyiinta Yemen oo Sawaariikh ku weeraray Wasaaradda difaaca dowladda Sacuudiga.

    Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa weerarkii ugu xooganaa ee sanadkan waxay ka geysteen gudaha dalka Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa weerarkii ugu xooganaa ee sanadkan waxay ka geysteen gudaha dalka Sacuudiga.


Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo sawaariikhda ridada fog  lagu qaaday xarumo dowladeed oo kuyaalla gudaha dalka Sacuudiga.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan WAAS ayaa xaqiijisay in Xuuthiyiintu ay sawaariikh ballistic ah ku weerareen sedax magaalo oo kala ah Jaazaan,Najraan iyo Riyaad.


Wakaaladaha wararka reergalbeedka ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn laga maqlay hawada magaalada Riyaad islamarkaana la arkayay qiic madoow aroornimadii hore ee saaka.

Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo lagu magacaabo Yaxye Sariic ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in ay qaadeen weeraro halis ah oo ay ku beegsadeen goobo muhiim u ah dowladda Sacuudiga.

Goobaha ay Xuuthiyiintu beegsadeen waxaa kamid ah Wasaaradda Difaaca,xarunta sirdoonka iyo saldhigga cirka Salmaan oo dhammaantood kuyaalla magaalada caasimadda ah ee Riyaadh.

Sidoo kale Xuuthiyiintu waxay ku faaneen in ay beegsadeen saldhigo kuyaalla gobollada Najraan iyo Jaazaan oo dhammaantood dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Sacuudiga iyo Yemen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items