Dowladda Sacuudiga oo aad uxadidday muslimiinta Sanadka Xajka tagaya.

Tuesday June 23, 2020 - 12:17:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga oo aad uxadidday muslimiinta Sanadka Xajka tagaya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sanadkan lajoojiyay Xujeydii muslimiinta ee tagi jiray dhulalka Xarameynka kuwaas oo ka imaan jiray meelo ka baxsan Jaziiradda Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sanadkan lajoojiyay Xujeydii muslimiinta ee tagi jiray dhulalka Xarameynka kuwaas oo ka imaan jiray meelo ka baxsan Jaziiradda Carabta.


Wasaaradda Xajka iyo Cumrada dowladda Aala Sacuud ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sababa laxiriira cudurka Carona Virus ay u joojisay xujeydii ka imaan jirtay dalka dibadiisa taas bedelkeedna ay Xajka tagi doonaan muslimiinta ku dhaqan gudaha dhulka Xarameynka.

Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in iyadoo caalamku uusan wali daawo iyo talaal u helin caabuqa Covid19 ay adkaanayso in malaayiin qof ay meel isugu tagaan sidaas daraadeed sanadkan ay Xajka tagi doonaan dad xadidan.


Dad aan ka badnayn halmilyan iyo boqolaal kun ayaa la sheegay in sanadkaan 1441 Hijri ay waajibka xajka gudan doonaan, waa markii ugu horraysay taariikhda ee muslimiinta ku dhaqan meel ka baxsan dhulka Xarameynka laga mamnuuco in ay soo xajiyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items