Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weeraro dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo dowlada katirsan.
Xalay fiidkii ayay rag hubaysan waxay gudaha degmada Afgooye ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubaysan ay dilka geysteen kadibna si nabad gelya ah ay goobta uga baxsadeen.
Dhinaca kale weeraro is xigxigay oo ka dhacay gudaha degmada Janaale iyo hareeraheeda ayaa lagu beegsaday ciidamo katirsan AMISOM iyo kuwa dowladda, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen saldhigga ciidanka AMISOM.
Daqiiqado kadib ayuu weerar kale oo fool ka fool ah ka dhacay saldhigga ciidamada dowladda ee kuyaalla gudaha degmada Janaale, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weeraradii is xig xigay ee ka dhacay Janaale iyo hareeraheeda.
Sarkaal lagu dilay Afgooye iyo Weeraro ka dhacay Janaale.
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weeraro dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo dowlada katirsan.