Maxaa ka socda dalka Itoobiya? Warbixin Muhiim ah.

Tuesday June 23, 2020 - 19:03:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 3
  • Share via Social Media

    Maxaa ka socda dalka Itoobiya? Warbixin Muhiim ah.

    Wixii ka dambeeyay 1991 marba marka ka dambeysa waxa ay itoobiya ku dedaalaysay in ay noqoto awoodda dhexe ee geeska Afrika. Cabudhin badan oo ay ku hayeen shucuubta ay gumeystaan kaddib waxa dhalatey dawlad lagu soo dhisey maslaxad oo reer galbeed k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wixii ka dambeeyay 1991 marba marka ka dambeysa waxa ay itoobiya ku dedaalaysay in ay noqoto awoodda dhexe ee geeska Afrika. Cabudhin badan oo ay ku hayeen shucuubta ay gumeystaan kaddib waxa dhalatey dawlad lagu soo dhisey maslaxad oo reer galbeed ka dambeeyeen. Ninka qabsadey dawladdaas waxa uu markiiba la kulmay caqabado, caqabadahaas baynu midh midh u taaban doonnaa idamka alle.


1: Tigree iyo PP (prosperity party),

Muddo 27 sannadood ah oo maamulkii TPLF xukunka hayeen waxa ay kasbadeen cadaawad dhankastaba leh, waxa aaney itoobiya ka noqdeen tuke baal cad. Cadaawaddaa loo hayo waxa ay keentay in dhammaan shaqaale hoosaadyadii iskaga baxaan dhulalka qoomiyadaha kale, waxa la gaadhey heer ay gabadhii aqalka baarlamaanka haysay is casishay.

Tigreegu waxa ay go’aan ku gaadheen markaa in ay xagal daaciyaan dhammaan waxqabad kasta oo uu reysal wasaaruhu la yimaaddo. Khilaafkooda oo maalmihii u dambeeyay cirka isku shareeray waxa uu ku qotomaa muddo kordhinta loo sameeyay raysal wasaaraha iyo waliba xisbiga PP(prosperity party) xisbiga barwaaqada oo tigreegu u arkaan sharci ku tumasho iyo dastuur jebin. Dastuurka itoobiya waxa gacantooda ku sameeyay qoomiyadda tigreega isla markaana is leekaysiiyey.


Dagaal ka qarxa xukuumadda dhexe iyo ismaamulka tigreegu wax la baciidsan karo ma aha, waxa wararka qaar sheegayaan inismaamulkatigreegu qabsan doonaan doorasho bilaha soo socda isla markaana ay itoobiya ka go’i doonaan. Taas oo xukuumadda dhexe ku abuurtey walaac weyn. Wararka qaar ayaa sheegaya in reysal wasaaruhu uu dhammaan danjireyaashii reer galbeed kula shirey Addis Ababa si loo dhexgalo isaga iyo TPLF. Kolkaa kaddib haddana waxa uu la shiray wadaadadii diinta kiristaanka ugu waaweynaa lamana oga halka ay ku dambayn doonto waan waantaasi


2: Axmaaro iyo xukunka itoobiya

Bishii juun ee sannadkii hore 2019 ayaa Jeneraal lagu magacaabi jirey Asaminew Tsige uu bilaabey inqilaab ka dhan ah dawladda dhexe ee Abiye Axmed. Sarkaalkaas oo hore uga tirsanaa saraakiil lagu eedeeyay inqilaab hore oo ka dhan ahaa xukuumaddii TPLF ayaa la xidhey, kadib waxa uu tacdiibin iyo toorjar ku waayey mid kamid ah indhihiisa.

Sarkaalkaas oo maddaale ahaa waxa la soo daayey 2018 kadibna waxa loo magacaabey taliyaha ismaamulka axmaarada. Halkaas oo uu kasoo bilaabey shirqoollo uu ku diley taliyii guud ee ciidanka itoobiya Se’are Mekonnen 22 june 2019. Waxa uu noqday ninkii dardar galiyey xisbigii NaMA (National Movement of Amhara) oo kasbadey taageerada qoomiyadda axmaarada. Qoomiyaddaas oo u haysata in itoobiya ay iyagu leeyihiin. Ugu dambeyn 24 june ayaa Asaminew Tsige la diley halkaasna noloshiisu ku soo afgo’dey balse waxa aan weli duugoobin rejadii qoomiyadiisa ee ahayd itoobiya anagaa iska leh maamulkeeda iyo luuqaddeedaba.

3: Masar iyo Niilka

Niilku waa webi weyn oo u kala baxa niilka cad iyo niilka buluugga ah. Niilka cadi waxa uu ka soo bilaabmaa harada figtooriya ee yugaandha iyo tansaaniya. Halka niilka buluugga ahi uu ka soo bilaabmo harada tana ee itoobiya. Labada niil waxay ku kulmaan magaalada khartuum ee dalka Suudaan. Masar iyo Itoobiya jaar ma aha laakiin waxa ay wadaagaan niilka. Dadka reer masar waxa ay ku tiirsan yihiin biyaha webiga niilka halka dadka itoobiyaanka ahina ay yihiin dad badankoodu aan koranto haysan. Itoobiyaanku waxa ay samaysteen biyo xidheen weyn oo lagu magacaabo Abbaay halkaasoo ay rabaan in ay koronto dadkooda uga helaan isla markaana ay waddamada jaarkooda ah u iib geeyaan.Masaariduna waxa ay rabaan in ay naftooda badbaadiyaan. Waxa la sheegayaa in biya xidheenkani noqonayo kan labaad ee adduunka u weyn, haddii biya niilka lagu sii daayona uu niilku gebi ahaan ka joogsan doono masar. Khilaafka labada waddanna halkaas ayuu ku salaysan yahay lamana baciidsan karo in dagaal ka dhex qarxo.


4: Sudan iyo xuduudka

Tobannaankii sano ee ugu dambeeyay waxa khilaaf xagga xuduudka ahi ka dhex taagnaa Suudaan iyo itoobiya, nasiibdarrada ayaa ahayd in aaney dhulballaadhsigaas ka hadli jirin xukuumaddii hore ee albashiir. Dhulkan oo ah dhulbeereed hodan ah ayaa war rasmi ah oo ah oo laga sii daayay telefishanka qaranka suudaan markii ugu horreysay uu ka hadlay madaxweynaha waddankaas cabdilfataax burhaan. "xoolo dhaqatadii waa laga qaadey xoolahoodii halka beeralaydiina lagala wareegay dhulkoodii noomana aanay hadhin wax aan ka ahayn in aan dadkayaga difaacno mooyee” sidaa waxa yidhi madaxweyne burhaan. Khilaafkaas oo ka taagan gobolka alqadaarif ee bariga suudaan. Lama oga halka khilaafkaasi ku dambayn doono laakiin waxa la saadaalinayaa in markasta xaaladdu cakirmi karto.

5: khatarta Soomaalida geeska

Itoobiya waa ummad la isku kabkabey oo qasab loogu taliyo. Waxa kale oo xabashida iyo soomaalida ka dhexeeya khilaaf qarniyo soo taagnaa, halka keliya ee itoobiya awoodeeda laga wiiqi jirey waa dhanka soomaalida. Sidaas darteed itoobiya dhaqaalaha ugu badan ee ciidameed waxa ay ku bixisaa sidii ay soomaalida u kala qaybin lahayd isla markaana u baabiin lahayd.

Wadaadadii bilowgii 2006 awoodeystay waxa ay u kala qaybiyeen dhinac loola baxay qunyar socod iyo kuwo la fogeeyay. Halkaas baana rag saaxiib ahaa ay ku kala dhaqaaqeen. Qiime kasta oo lagu baabiin karo halgan islaami ah iyo mid waddani ahba itoobiya way bixisaa balse soo jirto siima jirto waana meerto maalmuhu. Goorkasta oo ay noqotona soomaalidu ma illaawi doonto dhulkii awoowyaashood ee ay ka talin jireen iyo imaaradahoodii.

Wabillaahi Tawfiiq.
W/Q: Wadaadyare Xaashi.

Related Items