Al Shabaab Weerar kula wareegay saldhig Melleteri duleedka degmada Balcad.

Wednesday June 24, 2020 - 12:19:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Weerar kula wareegay saldhig Melleteri duleedka degmada Balcad.

    Weerar xooggan ayaa markale lagu beegsaday saldhig ciidan oo kuyaal deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar xooggan ayaa markale lagu beegsaday saldhig ciidan oo kuyaal deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay halkaas weerar ku qaadeen ciidamo katirsan Al Shabaab,
Weerarka oo ahaa mid aad culus ayay dagaalyannada ugu suurtagashay in ay qabsadaan saldhigga.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii ku sugnaa saldhigga laweeraray ay ufirxadeen dhanka degmada Balcad, ciidamada Al Shabaab ee saldhigga qabsaday ayaa gacanta ku dhigay saanado hub ah waxaana kamid ah 2 qori Ak47 ah.


Weerarada Al Shabaab ee degmada Balcad iyo hareeraheeda ayaa aad usii kordhay labadii isbuuc ee lasoo dhaafay waxaana weeraradan si siman loogu qaadayay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items