Kim Jong-un oo laalay Howlgal Melleteri oo ka dhan ahaa Kuuriyada Koonfureed.

Wednesday June 24, 2020 - 12:10:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kim Jong-un oo laalay Howlgal Melleteri oo ka dhan ahaa Kuuriyada Koonfureed.

    Dowladda shuuciyadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay qorshihii ahaa in howlgal melleteri lagu qaado dalka dariska la ah ee Kuuriyada koonfureed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda shuuciyadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay qorshihii ahaa in howlgal melleteri lagu qaado dalka dariska la ah ee Kuuriyada koonfureed.


Kim Jong-un oo ah hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in lajoojiyay howlgalkii melleteri ee ka dhanka ahaa xukuumadda Seoul, sida ay baahisay wakaaladda wararka ufaafisay Waqooyiga kuuriya kadib kulan uu yeeshay guddiga ammaanka wadankaas ayuu ku go'aamiyay in xaaladdu sideedi hore sii ahaato.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay Kuuriyada waqooyi soo saaraysay hadallo hanjabaadyo ah oo ka dhan ah Koonfurta Kuuriya iyadoona jartay dhammaan wixii xiriir ahaa ee kala dhaxeeyay dariskeeda islamarkaana lawareegtay oo burburisay xaruntii iskaasdhiga labada dal ee kutiillay xuduudda, sidoo kale Waqooyiga Kuuriya ayaa dib usoo celisay ciidamadii faraha badnaa ee ilaalada ka hayay aagga laysku murunsanyahay.



Sanaddii 2018 ayay labada kuuriya ku dhawaaqeen xaalad deganaan ah iyadoona hoggaamiyaashu ay yeesheen kulamadii ugu horreeyay tan iyo kontomeeyadii oo uu dhacay dagaalkii gacanka Kuuriya ee lagu hoobtay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items