dhacdo naxdin leh ayaa lagasoo calaamadeeyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo kamid ah meelaha ay ka dhacaan falalka amni darro.
Wararka ka imaanaya xaafadda Siisii ee Dayniile ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay wiil dhalinyara ah oo caan ka ahaa deegaanka.
Nin lagu magacaabo Xasan Nuur Ciroole ayaa Minddi ku dilay wiil ay wada dhasheen oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Nuur, goob joogayaal ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha dilka geystay uu 10 jeer Minddi ku dhuftay walaalkiis.
Arrintan naxdinta leh waxaa argagax ka qaaday dad guri kula noolaa wiilka dhalinyarada ah ee ladilay, falalka nuucaan ah ee ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay xaafahada degmada Dayniile.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Nin walaalkiis si xun ugu dilay degmada Dayniile.
dhacdo naxdin leh ayaa lagasoo calaamadeeyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo kamid ah meelaha ay ka dhacaan falalka amni darro.